Shopping Mall
suuq furanl
Market Place
iibka
Dating Free
isbarasho
Free Classified
xayeysiis bilash
Paltalk
dood Wadaag
Somali Songs
heeso (maqal/muuqaall)
Translation
qaamuus (English/Somali)

Internationa Sports Arena

Brought to You By
Somali Soccer

A1 .Kooxda horyaalka Soomaaliya ee Elman ayaa ku jirta qeybta B oo ah “group-ka dhimashada” kaddib markii nasiibkeedu uu noqday inay ka hortagto kooxaha waaweyn ee geeska Africa ee kala ah Kooxda Al-mareekh ee wadanka Sudan, Yanga oo ah horyaalka wadanka Tanzania ah iyo Bunamwaya  oo ka socota Uganda.

Elman waxay ciyaarta ugu horeysa ee tartankan maalinta Isniinta ah la ciyaari doontaa dhiggeeda wadanka Uganda ee Bunamwaya, waxaana ciyaartan ay Elman u noqon doontaa mid muhiim ah, maadaa kulankan uu yahay midka ugu jilicisan ee tartanka wejigiisa hore.

Tababaraha da’da yar ee kooxda Elman Yuusuf Cali oo wareysi siinayay Idaacadda Bar-Kulan ayaa sheegay in kooxdiisu ay ku dhacday af-libaax, hase ahaatee uu ku kalsoonyahay ciyaartooyda kooxdiisa.

“Sida aad u jeeddaan waxaan ku jirtnaa qeybta loo yaqaan dhimashada ee B, waxaa ku dhacnay kooxaha ugu adag geeska Africa, sida Al-mareekh, Yanga iyo Bunamwaya, hase ahaatee waxaan filayaa inaan soo bandhigi doono ciyaar wanaag iyo natiijo muhiim u ah wadanka iyo kooxda intaba” ayuu yiri Yusuf Cali.

Madaama wadanka Tanzania aysan joogin dad badan oo Soomaali ah, kooxdu ma heli doonto taageerayaal daac u ah oo u gurbaan tuma, waxaana kooxda ka soo duushay wadanka ugu halista badan caalamka ay ciyaartooydeedu isku dayi doonaan in ay natiijo wax ku ool ah ka gaaraan tartankan.

Sanadkan waxaa maal-galinta tartankan  oo ay ka qeyb galayaan 12-kooxood - qeyb ah ka ah shirkadda Al-mareekh ee wadanka Sudan ee iska leh kooxda Al-mareekh iyo Madaxweynaha wadanka Rwanda mudane Paul Kagame.

Sadexda qeybood ee loo kala saaray kooxaha ayaa kala ah:-

Qeybta A:  Simba, Vital O’, Etinceles,  Ocean Boys

Qeybta B:  Yanga, El Merreikh, Bunamwaya, Elman FC

Qeybta C: APR, St George, Ulinzi, Ports

Faarax BLUE

Sports Editorial/Opinion

MARATHANON AND SOMALIS. Mustafe. Waa cayaartee cayaarta ay soomalida ka gaareen guul lataaban karo , oo ay kasoo hoyeen heer caalami ah sida GOLD MEDAL ama SILVER. Waa halcayaar oo ah cayaarta orodka ama ha ahaadeen kuwa marathon ka ama kuwa hundreds , sidaa darteed maxay soomaalida u fahmi waayeen. su’ aasaha aan is weydiin karno , waxay tahay oo aan uga hadliwaynay, arintan, jawaabtana waa cadahay dad khubaro dhinaca sportiga ah malihin. Sidaa darteed yaa wadamada east Africa sida itoobiya iyo Kenya ay meel uga gaareen cayaaraha orodada anagoo fahmi waynay in cayaarta aan ku mashquulsanahay ee kubada cagta, aynan meel ka gaarin waligeen , xitaa qaarada Africa oo aan ka tirsanahay ayanan meel fiican kasoo gaarin oo aan ku hari jirnay bariga iyo bartamaha Africa. Oo kali ah. Waxaan rabaa in aan sheego labada sabab ee ugu weyn. Mid waa mida in cayaaryahnku wuxuu wax ku qaato labo arin oo inta bada aan kala maarmin isla socda sidaa darteed hadii mid lawaayana aysan mida kale wax macno weyn aysan sameyn Karin, sababtoo ah in aad noqoto waxa loo yaqaan( above average) waxaa keeni kara ayagoo is biirsada TALENT qofka oo dhan . 1) Mida koowaad waa (PHYSICAL) .marka cayaar laga hadlayo physical ama muuqaalka qofka sida dhuubnida oo ku taxaluqda fudadyka waxay sahli karaan in qofka hesta xirfad cayaara fudud sida orodada, teeniska , dabaasha, , boodada ay ufududaato, in uu ka qaalib noqdo cayaartoyda aan fudeydkii loo baahnaa heysan, sidoo kale cayaarha u baahan xooga ama qofka mascularka sida , kubada cagta, gymnasium, feerka, weight liftga , lagdinta, (wrestling) , waxaa laga yaaba cayartoda xirfad ku darsada oo ah cayaaryahan , xooga ama muscular in uu ka qaalib noqodo kuwa aan heysan , 2) mida labaad waa waa (XARIIF) oo ah qofka in uu mudo ku soo jiray, ama si fiican u yaqaan cayarta uu cayaarayo, midan labaad waa wax la sameyn karo, sababtoo ah qofku wuxuu u baahnyahay macalin fiican iyo tababar badan oo hadii qofka laga helo, tan hore oo ah physical in uu qofka meel fiican ka gaari karo cayaarta uu waqtiga galiyo ama uu jeclyahay. Dhibta naheysta soomalida waa anagoo aan fahmin meesha nalaka heysto oo ah in an fahmi weynaya in aan nahay dad dhuudhuuaba ama yar yar oo aan la wadaagno dadk east Africa qaarkood, sida kenyanka aan bantuga aheyn ee dega eldoret, ama ethiopanka sidaa . Tusaale, cayaarah orodada uga badan dunida waxaa qaaday per country ama wada wadan marka loo qaybiyo kenya dhamaan cayaaryahanada kenyanka waxay ka yimaadaan regionka ELDORET iyo qolada kalenjin oo ah niman dhuudhuuban oo waliba dhaadheer, sidaa darted yaa cayaaryahnoodada inta bada, aysan xitaa u qaadan tababar fiican. Anaga soomaalida oo kale cayaaryahaka abdi bile cabdi , ama jaamac karaceen, ama labada cayaaryaaahn ee hada aduunka ka muuqda sida Mohamed farah. ENGLAND ama cabdiraxmaan of ARIZONA ay u yihiin kuwa ordada, ayaadoo aan ognahay in cabid bile aysan xitaa dowlada tababar u soo dirin. Marka arintan waa in aan wada tashi kasamyno, qofkii rabana sheekada ku soo biir , waxaan ka codanasay SOOMALISOCIETY.COM in ay doodan soo daabacaan oo dadak raba in fikrkooda lasoo daabaca u soo diraan, si loo iftiimiyo doodan muhiimka ah. Kala soo xiriir admin@somalisociety.com somalisocietyinc@gmail.com fikirkaaga waa lasoo daabici doona adna ka tag wixii email ah. Iyo magacaaga mahadsanidii .

World Soccer Hightlights

asiirada Suqadara (Socotra Island):- Jasiirada Suqadara waxay ku taala bad-weynta India khadka joogiisu yahay 12, 30 waqooyi iyo khadka dheerarkiisu yahay 54 dhanka bari, wuxuu bariga soomaaliya u jira 130 mayl waqooyi bari Garda-fooy oo carabtu u taqaanay Ras Casayr, biriga koofur bari khaliij alcarab ee yemen u jirta 190 mayl . Jasiirada Suqadara iyo dhawr jasiiradu oo kale waxaay raacsan jireen maamulka Saldanada almahra oo ahayd xarunteedu Jasiirada Suqadara. Dhulka almahra wuxuu u dhexeeya Hadarmuut iyo cumaan. Jasiiradaha kale ee hoos yimaada jasiirada suqadara waa shan jasiiradood oo yar yar waxaa ka mid ah: Cabdi AlKuuri, Darsam, Karacateen, alfaraacinah iyo Siyaad. Jasiirada cabdi alkuuri waxay u jirta Ras Garda-fooy soomaaliya 200 mayl, waxaa kale oo jira marsooyin yar yar oo ku yaala koofurta xeebta oo la yiraahdo Binder Saalax sida xaqiijiyeen ergo ka socotay ingiriisa xiligaas. Jasiirada Suqadara waxay dheerarkeedu dhan yahay 72 mayl baaxadiisuna tahay 22 mayl, baaxada ay ku fadhido waa kun mayl (10002 ). Caasimada Jasiirada Suqadara waxaa la yiraahda Xudeybo, Jasiirada Suqadara waa meel aad iyo bilicdeedu u sareeyso, waxaa dhanka sare kaga yaala buuraha Xajahiir oo dheerarkeed lagu qiyaaso 5000 feet, waxaa kale oo mara waadiyaal magaalada, waxaa kale oo dadku beertaan dhirta timirta oo aad looga istimaalo, dhirta timirta ayaa waxaa looga faa’iideysta siyaabo badan hadii ay tahay dhismaha guriyaha iwm, waxaa intaas u sii dheer falashada beeraha noocyadeeda kala duwan iyo xoolaha oo ay dhaqdaan dadka miyiga. Jasiirada Suqadara waxaa ku nool dad lagu qiyaaso 20.000 qof, dadkaas oo ku nool agagaarka xeebta Iyo meelo aan ka fogeeyn xeebta, dadka halkaas ku nool ayaa ka soo jeeda carab, hindi iyo afrika, xukuumada waa meheri, diinta looga dhaqmo waa muslin, Suldaanka xukuma waa suldaan bin cafrar, dhammaan salaadiintii xukumi jirta Suqadara waxay ka soo jeedeen qoyska bin cafraar oo ah Saladiinta sida aadka ah looga xumeeyo dhulka almahra. Dadka muwaadiniinta asliga ah ee ku nool Jasiirada Suqadara inta badan waa dad ku nool dhulka buuraha ah waana dad aad iyo aad u dheer quwad badan. Jasiirada Suqadara oo ahayd xarunta Saldanada Almahra, waxaana xukumi jiray Saldaan Ciise bin Cali bin Cafraar ilaa iyo 1964, waqtigaas oo ahayd markii uu ingiriisku ku daray Jasiirada Suqadara Kunfurta Jamhuuriyada Dimoqraadiga yemen. Luqadaha: Jasiirada Suqadara waxaa looga hadlaa luqada meheriga oo ah luqadaha ugu facweyn ka soo jeeda al-ximyar, waxaa kale oo looga hadlaa luqada Shixir oo ah luqada dadka asliga ah ee suqadariinta ah ay ku hadlaan waxayna aad ugu dhawdahay luqada meheriga, waxaa kale oo looga hadlaa luqado kale sida soomaali, sawaahili iyo hindi.. Sida aad la socotaan waxaa soo shaac baxaya warar badan oo ku saabsan halaanshaha Jasiirada Saqadara, Dawlada KMG ah ayaa waxay u qortay xafiiska Qaramada Midoobay qoraal ay uga hadleyso Jasiirada Suqadara oo ah Jasiirad ay la haanshaheedu lee dahay soomaaliya, sidoo kale ayaa dad badan oo soomaali ah ay hadal hayaan halaanshaha Jasiiradaas, markii ugu horeysay oo dawlad soomaaliyeed ay si toos ah u sheegato jasiirada suqadara, isku qasashaha dhul amase jasiirado ma ahan wax ku cusub dunida waa arrin ka dhex-dhalata dawladaha jaarka ah, waxaa loo baahan in si nabad galyo ah ay dawlad kasta ugu gudbisato maxkamada aduunka si loo xaqiijiyo cida malkiyadeed iska leh dhulka la isku hayo. Sanadkii 1960 waxaa waxaa dhexmary muran ku saleysan xuduudaha Saldanada Cumaan iyo SaldanadaAlmahra, xuduudkaas oo ahaa waqooyi bari ee labada Saldano, murankaas oo ka dhashay baadiyaha Habruut oo ay daganaayeen qabiilada bin Sacbanaat oo ah almahra iyo qabiilada alkatiiri oo ah cumaani, muran daba dheeraaday ka dib waxaa halkaas ka bilowday dagaalo, waxaa meeshii dagaalku ka socday soo gaaray alwaalii Hamuud alqafiri oo wakiil ka ahaa Suldaanka Saldanada Cumaan si u soo indha-indheeyo wixii halkaas ka dhacay iyo khasaarihii ka dhashay dagaaladii, wuxuu isku dayay in uu dhax-dhexaadiyo labadii qabiil, nasiib daro bin rabakh oo ka socday alkathiiri ayaa ku gacan sayray in ay Habruut noqoto meel ay lee yihiin meherigu. Waligii Hamuud alqafiri ayaa ku baaqay in dagaalka la joogiyo lana xiriiro Suldaanka Suldanada almahra arrintana loo daayo labada Suldaan Cumaan iyo almahra oo kala ahaa Suldaan saciid bin taymuur (Cumaan) iyo Ciise bin Cali bin Cafraar (Almahra). Saddex bilood ka dib ayaa waxaa fadhi iskugu yimid Suldaanka almahra Suldaan ciise bin cali bin cafraar, wasiirkisa ibraahim bin Khalid iyo wafdi uu hugaaminaayo Suldaanka Suldanada cumaan saciid bin taymuur, waaliga Dufaar, hogaamiyaha cidamada ingiriiska iyo mashaayiikh badan oo ka socda labada dhan, waxaa halkaas lagu dhameeyay khilafaadkii xuduudaha ee ka jiray halkaas. Bishii July 1960kii ayay waxay heshiis ku kala saxeexdeen iyadoo ay u kala saxiixayeen Cumar Salim Canshuur dhanka saldanada almahra iyo Hamuud alqafiri dhanka Saldanada Cumaan, waxaa kale oo goob joog ahaa master Heles oo ahaa la taliye dawlada ingiriiska. Akhristoo waxaa loo baahan yahay cid kasta oo wax isku qabsata in loo maro dariiqa saxa ah oo waxa kaamagan aad ku heli kartid, marka hadii soomaaliya lee dahay jasiirada Suqadara, waxaa loo baahan yahay marinka saxa ah in loo baro, lakiinse su’aasha la isweydiinaayo baa waxay tahay. Waa goorma waqtigaas? Mase la hayaa cid maanta wax sheegan karta soomaaliya? Macnaheedu ma ahan in aan soomaali aysan lahayn jasiirada suqadara, waxaan ka hadlaaya waqtiga lagu jiro. Qore : Dahir Hashi – mbc London Email: dwarsame@hotmail.com