Shopping Mall
suuq furanl
Market Place
iibka
Dating Free
isbarasho
Free Classified
xayeysiis bilash
Paltalk
dood Wadaag
Somali Songs
heeso (maqal/muuqaall)
Translation
qaamuus (English/Somali)

Somali Headline News

Brought to You By

Somali Broadcasting Network - SBNonline

Somalia Breaking News

This newsfeed has expired. Please login and renew.

Powered by Newsfeed Maker

EIN news logo

Opinion & Editorial


Kooxda horyaalka Soomaaliya ee Elman ayaa ku jirta qeybta B oo ah “group-ka dhimashada” kaddib markii nasiibkeedu uu noqday inay ka hortagto kooxaha waaweyn ee geeska Africa ee kala ah Kooxda Al-mareekh ee wadanka Sudan, Yanga oo ah horyaalka wadanka Tanzania ah iyo Bunamwaya  oo ka socota Uganda.

Elman waxay ciyaarta ugu horeysa ee tartankan maalinta Isniinta ah la ciyaari doontaa dhiggeeda wadanka Uganda ee Bunamwaya, waxaana ciyaartan ay Elman u noqon doontaa mid muhiim ah, maadaa kulankan uu yahay midka ugu jilicisan ee tartanka wejigiisa hore.

Tababaraha da’da yar ee kooxda Elman Yuusuf Cali oo wareysi siinayay Idaacadda Bar-Kulan ayaa sheegay in kooxdiisu ay ku dhacday af-libaax, hase ahaatee uu ku kalsoonyahay ciyaartooyda kooxdiisa.

“Sida aad u jeeddaan waxaan ku jirtnaa qeybta loo yaqaan dhimashada ee B, waxaa ku dhacnay kooxaha ugu adag geeska Africa, sida Al-mareekh, Yanga iyo Bunamwaya, hase ahaatee waxaan filayaa inaan soo bandhigi doono ciyaar wanaag iyo natiijo muhiim u ah wadanka iyo kooxda intaba” ayuu yiri Yusuf Cali.

Madaama wadanka Tanzania aysan joogin dad badan oo Soomaali ah, kooxdu ma heli doonto taageerayaal daac u ah oo u gurbaan tuma, waxaana kooxda ka soo duushay wadanka ugu halista badan caalamka ay ciyaartooydeedu isku dayi doonaan in ay natiijo wax ku ool ah ka gaaraan tartankan.

Sanadkan waxaa maal-galinta tartankan  oo ay ka qeyb galayaan 12-kooxood - qeyb ah ka ah shirkadda Al-mareekh ee wadanka Sudan ee iska leh kooxda Al-mareekh iyo Madaxweynaha wadanka Rwanda mudane Paul Kagame.

Sadexda qeybood ee loo kala saaray kooxaha ayaa kala ah:-

Qeybta A:  Simba, Vital O’, Etinceles,  Ocean Boys

Qeybta B:  Yanga, El Merreikh, Bunamwaya, Elman FC

Qeybta C: APR, St George, Ulinzi, Ports

Faarax BLUE>

More Editorial & Opinion
MARATHANON AND SOMALIS. Mustafe. Waa cayaartee cayaarta ay soomalida ka gaareen guul lataaban karo , oo ay kasoo hoyeen heer caalami ah sida GOLD MEDAL ama SILVER. Waa halcayaar oo ah cayaarta orodka ama ha ahaadeen kuwa marathon ka ama kuwa hundreds , sidaa darteed maxay soomaalida u fahmi waayeen. su’ aasaha aan is weydiin karno , waxay tahay oo aan uga hadliwaynay, arintan, jawaabtana waa cadahay dad khubaro dhinaca sportiga ah malihin. Sidaa darteed yaa wadamada east Africa sida itoobiya iyo Kenya ay meel uga gaareen cayaaraha orodada anagoo fahmi waynay in cayaarta aan ku mashquulsanahay ee kubada cagta, aynan meel ka gaarin waligeen , xitaa qaarada Africa oo aan ka tirsanahay ayanan meel fiican kasoo gaarin oo aan ku hari jirnay bariga iyo bartamaha Africa. Oo kali ah. Waxaan rabaa in aan sheego labada sabab ee ugu weyn. Mid waa mida in cayaaryahnku wuxuu wax ku qaato labo arin oo inta bada aan kala maarmin isla socda sidaa darteed hadii mid lawaayana aysan mida kale wax macno weyn aysan sameyn Karin, sababtoo ah in aad noqoto waxa loo yaqaan( above average) waxaa keeni kara ayagoo is biirsada TALENT qofka oo dhan . 1) Mida koowaad waa (PHYSICAL) .marka cayaar laga hadlayo physical ama muuqaalka qofka sida dhuubnida oo ku taxaluqda fudadyka waxay sahli karaan in qofka hesta xirfad cayaara fudud sida orodada, teeniska , dabaasha, , boodada ay ufududaato, in uu ka qaalib noqdo cayaartoyda aan fudeydkii loo baahnaa heysan, sidoo kale cayaarha u baahan xooga ama qofka mascularka sida , kubada cagta, gymnasium, feerka, weight liftga , lagdinta, (wrestling) , waxaa laga yaaba cayartoda xirfad ku darsada oo ah cayaaryahan , xooga ama muscular in uu ka qaalib noqodo kuwa aan heysan , 2) mida labaad waa waa (XARIIF) oo ah qofka in uu mudo ku soo jiray, ama si fiican u yaqaan cayarta uu cayaarayo, midan labaad waa wax la sameyn karo, sababtoo ah qofku wuxuu u baahnyahay macalin fiican iyo tababar badan oo hadii qofka laga helo, tan hore oo ah physical in uu qofka meel fiican ka gaari karo cayaarta uu waqtiga galiyo ama uu jeclyahay. Dhibta naheysta soomalida waa anagoo aan fahmin meesha nalaka heysto oo ah in an fahmi weynaya in aan nahay dad dhuudhuuaba ama yar yar oo aan la wadaagno dadk east Africa qaarkood, sida kenyanka aan bantuga aheyn ee dega eldoret, ama ethiopanka sidaa . Tusaale, cayaarah orodada uga badan dunida waxaa qaaday per country ama wada wadan marka loo qaybiyo kenya dhamaan cayaaryahanada kenyanka waxay ka yimaadaan regionka ELDORET iyo qolada kalenjin oo ah niman dhuudhuuban oo waliba dhaadheer, sidaa darted yaa cayaaryahnoodada inta bada, aysan xitaa u qaadan tababar fiican. Anaga soomaalida oo kale cayaaryahaka abdi bile cabdi , ama jaamac karaceen, ama labada cayaaryaaahn ee hada aduunka ka muuqda sida Mohamed farah. ENGLAND ama cabdiraxmaan of ARIZONA ay u yihiin kuwa ordada, ayaadoo aan ognahay in cabid bile aysan xitaa dowlada tababar u soo dirin. Marka arintan waa in aan wada tashi kasamyno, qofkii rabana sheekada ku soo biir , waxaan ka codanasay SOOMALISOCIETY.COM in ay doodan soo daabacaan oo dadak raba in fikrkooda lasoo daabaca u soo diraan, si loo iftiimiyo doodan muhiimka ah. Kala soo xiriir admin@somalisociety.com somalisocietyinc@gmail.com fikirkaaga waa lasoo daabici doona adna ka tag wixii email ah. Iyo magacaaga mahadsanidii|somaliland|Justice for Somalians|death of jamal